Culimada Saadaasha ayaa Sheegaya in Dufaan Lagu Magacaabo Tropical Cyclone 04A (Chapala) ay ku soo Food leedahay Dhul Xeebeed Balaaran oo ku yaala Bada Cas iyo Badda India Meelaha Digninta La siisyay waxaa ka mid ah Soomaaliya Gaar ahaa Waqooyi Bari Soomaaliya Inkasta oo Qadarta Alle ay meesha ku Jirto,

Dhulka Badda dhaca ee Deegaanada Puntland ee Sida Gaar ah loogu diray Digniinta waxaa ka mid ah Caluula iyo Deeaanada kale Ee Xeebaha Badda Cas Dhaca.

Duufaantan iyo Roobabkan is wadata waxaa ay sidoo kale saameyn doontaa Badda Carbeed Iyo Dalalka Koonfurta Cumaan iyo Yemen waxaana Laga Digay in Dadku ka fogaadaan Dhinaca Badda iyo Meelaha Togaga leh si looga Hortago In Khatar ay Timaado Eebe Ha inaga Hayee.

bad 2

Roobabkan iyo Dabeylaha waxaa suurtagal ah inay Xoogooda la dareemo Bisha November 1-deeda Walow Wax walba ay ka muhiimsan yihiin Amarka Alle.
Dabeyshan iyo Roobabkanw waa ay ka so horumari karaa xilliga Culimada Saadaasha ay Sheegeen Waana ay baaqan kartaa waxaase Muhiim ah in laga taxadaro Khatar kasta oo Dhib geysan karta iyadoo Mar walba Eebe Weyne la xusuusanayo.

DHAGEYSO WAREYSI ARIMAHAASI LA XIRIIRA:

Hoos ka Akhri Digniinta uu soo saaray maamulka Gobolka Bari Oo Goordhow soo gaartay Xarunta SBC Ee Boosaso.

Warqad

Wixii Soo kordha Waan isla soconeynaa Iinsha allah