Dibadbaxani ee uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir islamarkaana ka dhacay barxada weyn ee Taaladda Daljirka Daahson ee Degmada Boondheere ayaa waxa kaqayb qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Kudhaqan Gobolka Banaadir.

Dhamaanba dadkii isugu soobaxay Fagaarahaasi ayaa iyagu kudhawaaqayay ereyo kadhan ah Ururka Al-Shabaab,waxana lagu cambaareeyay qararxyadii dhawaan muqdisho lagula eegtay shaqaale katirsan Safaarada Turkiga ay kuleedaha Magaalo madaxda Soomaliya Muqdisho.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar ayaa u sheegay shacabka ku dhaqan  gobolka in ujeedka Al Shabaab uusan eheyn shaqaalaha Turkiga balse uu yahay daminta muuqaalka soo wanaagsanaanaya ee magaalada Muqdisho.

Gaba Gabadii banaanbaxaasi waxa hadal goobta kajeediyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada muqdisho Maxamuud Aaxmed Nuur Tarsan isagoona sheegay in beegsiga Ururka Al-Shabaab ee shaqaalihi turkiga uu ahaa burburinta rajada shacabka Soomaaliyeed.

 Dhageyso Khudbadii Duqa magaalada Muqdisho uu ka jeediyay Banaan baxaasi RIIX AMA DAAR

Maxamed Jabra
SBC International Bosaso