Wararka laga helayo degmada qandala ee hoos tagta gobolka bari ayaa sheegaya in inta badan uu saf mar ku hayo cudurka shuban biyoodka kaasoo inta la ogyahay uu u Dhintay cunug yar halka 70 qof oo kalena uu soo ritay cudurkaas oo qaybtood xaaladooda si aad ah looga dayrinayo taasoo ay xaqiijiyeen dad aqoon u leh cudurkaas.

Jaamac Maxamed Quurshe gudoomiyaha degmada qandala oo u waramayay warbaahinta Sbc ayaa sheegay in xaalada dadka ku nool Qandala iyo nawaaxigeeda ay tahay Mid liidata oo uu hareeyay cudurka shuban biyoodka kaasoo uu wiil yar uu u dhintay in ku dhow 100 qofna uu soo ritay kuwaasoo meel lakala geeyo aysan jirin xarumo Caafimaad oo lagu dabiibana aysan ka jirin degmada ayuu hadalkiisa sii raaciyay isagoo ay ka muuqatay gudoomiyaha hadaladiisa xaalada soo wajahday degmadiisa.

gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in degmada inta badan kaabayaasheeda adeega ay yihiin kuwo aan jirin halka marka ay wax soo kordhaana dadka Loola Cararo magaalada Boosaaso oo masaafo dheer u jirta degmada qandala xilli dadka qaybtood ayba ku sii naf baxaan wadada dhexdeeda oo ah wadooyinka badda iyo bariga.

Ugu danbayntii waxaa uu sheegay in xaaladu ay tahay qatar hadii aan sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban waxaana uu ka codsaday dowlada puntland iyo Hay,adaha in sida ugu dhaqsiyaha badan daawo iyo gurmad degdeg ah lala soo gaaro dadka degan. 

Maxamed Cali Iimaan
SBC International Boosaaso