Dhibaatada Qaadka iyo Dhiiranaanta Reer Soomaaliland

Waxaa waqtiba waqtiga kadanbeeya soobadanaya dhibaatooyinka balaadhan ee uu qaadku kuhayo Umadda Soomaaliyeed ,haday noqoto dhanka caafimaadka ,dhaqaalaha ,iyo burburka qoyska ,waxaa kaloo dowladaha dariska la’ah Soomaaliya iyo Soomaalilandba kutartamayaan sidii ay u kordhin lahaayeen ganacsigooda koowaad ee ay udhoofiyaan Soomaaliya iyo soomaliland ba , Abwaan xuseen shire oo arintaas muti ku aadan tiriyey wuxuu yiri ,,,

Dowladaha Dariskeena                                Dalkooduu kabaxaa

Dadkooduna macunaane                           Diyaaraday kuraraanoo

Dalkeenay u diraan                                     Doolarkana waa kagurtaan

Daqligooday ku kabtaanoo                         Dalkooday dhistaan

Da yarteenay kudilaanoo                            Dalkeenay kudunshaan

Doqontaan garanayn                                   waa Gumeysi dahsoone

Duli weeyee Daaya Qaadka                         Duli weeye daaya qaadka.

 Hadaba Hadaad Taariikhda dib u eegto ayaa dadka reer  Reer Soomaaliland waxaa lagu yaqaan dad shacuur leh oo kudhiirada  waxa ay aamin san yihiin .oo aan ukala harin  ,cidna aan ujoojin haday dacar kaqadhaadhtahayna qaata go’aan adag, haday dani ugu jirto.

Hadaba waxaa isweydiinleh Reer Soomaaliland dhibaatada qaadku  kuhayo oo ay kala siman yihiin Soomaalida kale inkastoo baryahan danbe la yiraahdo qaadkii koonfutaaba badsata , waa maxay sababta aan looga meer meerayo oo loo dhayalsanayo.

Mar aaan lakulmay Nin kamida siyaasiyiinta ugu cad-cad looguna jecelyahay waa Gudoomiya baarlamanka Soomaaliland  Cabdiraxmaan Maxamed Caddilaahi ( Ciro ) wuxuu si diiran ii gu dhiiriyey inaan ladagaalanka qaadka halkaa kasii wado , markaan way diiyey dowlada soomaaliland iyadaa  awoodeed lehe maxay wax uga qaban la’dahay dhibaatada qaadka wuxuu iigu jawaabay waxaanu sugaynaa xisbi siyaasadaas layimimaada oo soo hordhiga baarlamaanka  oo laga tashado  sidii xal loogu heli lahaa.,Waxaan ugu jawaabay Mudane Soomaaliland Dhiiranaantii lagu yaqaanay ayaa la idinka sugayaa noo noqda tusaale wanaagsan oo Soomaali inta kale kudayato ,dhiirada oo daaya dhayalsiga. Dhibaatada qaadka.

Gudoomiyaha Ladagaalanka Qaadka
Abukar Awaale

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII