Waxaa lagu wadaa  in labada cayaartooy ee xulka qaranka Barazil iyo kooxda Chelsea Alex iyo  Ramires  iney ka maqnaadaan kulanka kooxda Birmingham ee habeen dambe dhici doona.
Maamulka kooxda Chelsea ayaa filayay in Ramires  uu diyaar u noqdo kulankan laakiin dhawaaca ayaa ku soo cusboonaday waana sababta uu u maqnaandoono, Intaa kuma eko liiska dhaawacyada waxaa sii dheer dhaawac kale oo soo gaaray difaaca garabka midig Ivanovic ka dib dhaawac muraqa ka soo gaaray.

kulanka Chelsea eey leedahay Birmingham waa kulan adag muhiimna u ah kooxda hadii eey rabaan iney kaalmaha ugu horeeyo gasho xili cayaareedkaan ka dib markii laga saaray kooxda sadexda  koob ee kale.Tababaraha Chelsea Carlo Anceloti ayaa markii ugu horeysay muujiyey rajo uu ka qabo koobka Premireship-ka sanadkan, isagoo sheegay in haatan Man United ay dheer tahay 8 dhibcood oo qura, waxaana uu sheegay in hadii aanay dhaawac soo gaarin Lambard & Drogba in uu ku guuleysan doono horyaalka Ingiriiska sanadkan.

Cabdifataax Mowliid Xaaji
fatahhaji@hotmail.com