Sida aanu heleyno wararka ka imaanaya qeybo ka mid ah gobolka jubada hoose, ciidamada Dowlada Dalka Kenya ayaa waxaa ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan qeybo ka mid ah gobolkaas sida deegaano hoosyimaada Qooqaani iyo Afmadoow.

Ciidamadan Kenyatiga ah ayaa gudaha Soomaaliya u soo galay ka wixii ka dambeeyay maalintii shalay iyadoona ay dowlada dalkaasi qiratay in ciidamadeed ay gudaha u galayaan Soomaaliya si ay dagaal toos ah ula galaan xarakada mujaahidiinta Alshabaab.

Dhaq dhaqaaqyada Ciidan ee halkasi ka jira ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah ciidamada Ururka Raaskambooni iyo kuwa DKMG ah oo sedax gees ka wada dhaq dhaqaayada ,

Waxaa taagan Cabsi xoogleh oo ay muujinayaan dadka deegaanada halkaasi ku yaala ku nool inkastoo qaarkood ay halkaasi ka barakaceen.

Dhinaca kale Degmada Afmadow ayaa waxaa ku sugan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab kuwaas oo halkaasi iyana dhankooda ka wada dhaq dhaqaaq xoogleh oo dhinacyo badan leh sida u diyaar garow dagaal iyo xoojin ciidan horleh oo halkaasi ku soo qulqulaya .

Sikastoo ay xaaladu ahaataba waxaa laga cabsi qabaa dagaallo xoogan oo halkaasi ka qarxa maadaama ay dhinacyada halkaasi ku sugan wadaan dhaq dhaqaaqyadii ugu dambeeyay.

Dhanka kale dowlada Kenya ayaa xaqiijisay in laga soo riday diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo saacadihii la soo dhaafay ku dhacday deegaanka Libooya Soomaaliya iyadoona sheegtay in diyaaradaasi ay u dhacday weerar loogeystay.

C/qadar Maxamed
SBC International Gedo.