Wararka ka soo baxaya deegaano ku yaala gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo isku abaabul dagaal oo ay wadaan dhinacyada kuwada sugan gobolkaas .
Ciidamada Kenya, kuwo Soomaalida ah ayaa maalmihii ugu dambeeyay saxaafada ka sheegayay in ay duulaan ku qaadayaan deegaano waaweyn oo ka tirsan gobolka Jubada hoose siiba magaalo madaxda gobolkaas ee Kismaayo.
Hadaba dadku dhaqan degaano hoos yimaada magaaladaas oo la soo xiriiray SBC ayaa sheegaya in ay soconayaan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo isku abaabul dagaal oo heerkii ugu dambeeyay ku jira inkastoo ay jiraan mararka qaar isku dhacyo dhexmaraya labada dhinac.
Xoogaga xarakada Shabaab Almujaahidin ayaa iyana dhankooda wada dhaq dhaqaaqyada, waxaana laga soo sheegayaa magaalooyinka ay ku leeyihiin Fariisimada waaweyn ee Gobolkaasi Jubada hoose in ay ka soconayaan u diyaar garow dagaal.
Inkastoo aan ilaa iyo iminka jirin wax khasaare ah oo ku kala gaaray labada dhianc ee iskudhacdyo aan sidaasi u buurneen oo ku dhexmaray deegaano ay ka mid tahay Hoosingow oo hoos timaada magaalada Kismaayo.
Daalacatey :345