Dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo xiisado dagaal ayaa laga soo sheegayaa qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Wararka ku aadan Dhaq dhaqaaqyada Ciidan iyo isku abaabulka dagaal ayaa ah kuwo isa soo taraya iyagoona la sheegayo in ciidamada Maamulka Dooxada Shabeele iyo kuwo itoobiyaan ah oo is garabsanayaa ay u soo ruqaansadeen dhanka Magaalada Baladweyne oo ah Xarunta gobolka Hiiraan islamarkaana ay gacanta ku hayaan Xarakada Shabaab Almujaahidiin.

Waxa ay ku waramayaan dadka ku dhaqan deegaanka Ceelgaal oo ka tirsan gobolkaasi ay soo gudbeen ciidan isugu jira kuwa Maamulka Dooxada Shabeele iyo kuwo Itoobiyaanka ah oo iyagu maalmihii ugu dambeeyay ku soo qul qulayay gobolkaasi.

Dadweyne ku dhaqan Halkaasi ayaa u xaqiijiyay Xafiiska SBC International ee Garoowe in Ciidankaasi oo ku soconayay Safaf dhaadheer iyo Gaadiidka Dagaalka ay u soo ruqaansadeen dhanka deegaanada hoosyimaada Magaalada Baladweyne, iyagoona intaas ku daray in ciidankaasi ay u qalabeysnaayeen dagaal.

Dhinaca kale wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxaya Magaalada Baladweyne oo ay ku sugan yihin xoogaga Xarakatu shabaab al Mujaahidiin waxaa laga soo sheegayaa xiisad kacsan oo darenkeeda leh iyadoona ay qaab u eg Barakac ay sameynayaan Ganacsatada qaarkood, iyagoona ka baqa qaba dagaal halkaasi ka dhaca.

Sikastaba ha ahaatee xiisadahan laga soo sheegayo gobolka Hiiraan ayaa waxay imanayaan xili ay gudaha u soo galeen dalka Ciidamo itoobiyaan ah oo aad u tiro badan kuwaas oo sida la sheegay Howlgalo Alshabaab la durir ah ka fulin doona Soomaaliya.

C/casiis Ok
SBC International Garoowe