Maamulka Dowlada KMG ah ee Soomaali ee ku sugan gobolkan Gedo ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira degmooyin ka tirsan gobolka .

Maamulka ayaa sheegay in Dhaqdhaqaaqyadaasi ay ka warqabaan ayna ogyihin halka ay wax marayaan cidii weerar ku soo qaadanaya ay diyaar u yihiin sidii ay isaga difaaci lahaayeen

Maxamed Cabdi Kaliil Gudoomiyaha Maamulka DKMG ah ee Soomaaliya ee gobolka Gedo oo lahadlayay qeybaha warbaahinta ayaa sheegay in dhowaan ay ka warheleen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay Xarakada Mujaahidiinta alshabaab ka wadaan Deegaano ka tirsan degmooyinka gobolka, islamarkaana ay ka DKMG ahaan diyaar u yihiin in ay dagaal la galaan iskana difaacaan.

Dhankooda ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa iyana wada dhaq dhaqaaqyada Militeri iyadoona la arkayay iyagoo ku sii qulqulaya jiidaha dagaalka iyadoona uu intaasi raaciyay gudoomiyaha Maamulka Gedo ee DKMG ah in ciidamadu ay dhaq dhaqaaqyadoodaasi ku doonayaan in ay gacanta ku soo dhigaan deegaanada gacantooda ka maqan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Mujaahidinta Alshabaab ayaa iyana dhankooda xaqiijiyay in ay ciidamadoodu gaareen goobaha jiidaha dagaal ee ay isku horfadhiyaan dhinacyada DKMG ah .

Cabsida laga qabo dagaal labada dhinac ka dhexqarxa ayaa waxaa ay tahay mid aad u sareysa maadaama labadooda ciidanba ay isku jiraan deegaano aan waxba u dhaxeyn iyo jiiido kala duwan, waxaana bar bar soconaya dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ciidamadaasi qax ay sameynayaan dadweynaha degen deegaanada ka agdhow goobaha la isku horfadhiyo.

C/Khadar Maxamed Siraad
SBC International Baardheere.