Ka dib dagaalo xoogan iyo xiisado colaadeed oo ka curtay qeybo ka mid ah gobolka islamarkaana hakad geliyay dhaq dhaqaaqii ganacsi iyo isu socodka Baladweyne ayaa iminka waxaa lagu soo waramayaa in ay dib u soo laabteen .

Dhaq dhaqaaqii ganacsi iyo isku xirka ayaa dib u soo laabtay sida uu xaqiijinayo wariyaha SBC International ee Gobolka Hiiraan maadaama xaalada deegaanadii uu dagaalku ka dhacay ay aad u degentahay .

Dhaq dhaqaaqyada ganacsiga qeybihiisa kala duwan ayaa si weyn u soconaya, iyadoo laga dareemi karo goobaha dadweynaha isugu yimaadaan iyo seyladaha lagu kala iibsado xoolaha iyo weliba raashinka

Waxaa dhinaca kale dib u soo laabtay isu socodkii ganacsiga iyo dadweynaha magaalada Baladweyne iyo qeybo ka mid ah deegaanada ku yaala duleedyada magaalada ka dib markii ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ay dagaal kagala wareegeen magaalada Baladweyne xarakada Shabaab Almujaahidiin.

Magaalada Baladweyne ayaa waxay tahay magaalo ay ka baxaan ganacsiga qeybihiisa kala duwan ee u kici tima deegaanada Dalka sida waqooyiga iyo galbeedka dalka, sida xoolaha oo looga dhoofiyo dhanka gobolka Bari Soomaaliya .

C/casiis Axmed Ibraahim Ok
SBC International Garoowe