Tababarkaasi ayaa waxaa uu ahaa  dhalinyardii qaadatay ay ku baranayeen Xirfadaha Gacanta oo ay soo baranayeen mudo saddex bilood ah kaasi oo ahaa ujeed kiisa sidii dhalinyarada looga soo jeedin lahaa falalka Burcad badeed Nimada ah ay u Nugul yihiin dhaliyarada shaqa La’aanta ah.

Xaflada ooahayd mid  si Heersaraha loo soo Agaasimada oo ka dhacday Dugsiga Tababarka farsamada Gacanta Ee Garoowe ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyeen ka soctay Dowlada Puntland iyo Hay’ada ku caanbaxaday ka Wacyigilnta

Dhalinyarada falalka  Burcada badedda Ee NCA maamulka dugsiga tababarka farsamada Gacanta Ardaydii qaadatay xirfadaha gacanata walidii iyo marti sharafa kale.
wasiirada wasaarada cadaalada Arimaha Diinta iyo dhaqan celinta Puntland Injineer Cabdi Khaliif Xaaji Xasan Ajaayo oo mada shii xaflada ka hadalay ayaa waxaa uu sheegay un Tan ay fursadatahya waxuuna dhalinyrada dhamaysatay xirfadaha la baray in ay ka faa’iidaystaan.

Sidoo kale waxaa munaasabadii lagu soo xirayay tababarka xirfada gacanata Ee ka dhacayday hoolka shiraar ka dugsiga farsamada gacanta ee garoowe waxaa ka hadlay madax Hay’ada NCA puntlad yuusuf cabdi qaadir oo sheegay in ay san ahay markii ugu horaysay ee hay’adooda ay soo gabagabyso tababro caykaasi ah oo ay dhalinyarad ay ka soo weecinayaan falalka Burcad badeeda islamarkaasi ay tahay xirfaddaha la barlaray Ardayda ay ku shaqay sankaaraanwaxuuna sheegay in ay barteen dhalinta sida farsamada koronta farmiyeernimada.

Maamulaha iskuulka tababrka farsamada gacanta ee Garoowe cismaan guureeye kaarshe ayaa waxaa uu sheegay in dhalinrada ay ka kale keeneen deegaanada puntland sida Bandarbayle, Eyl Bargaa,Garcad iyo deegaano kale islamarkaasi qaarkood ay ahaayeen dhalinyaro ka Towbad keentay falalka burcad badeed nimada ah waxuuna sheegay sidoo kale mudadii ay ku jireen qaadashada cashirada dhaliyarad ay ku barteen farsamooyinka sida koronta ka shaqayn teeda farsamada fuundinada iyo kuwo kale oo ay ka faa’iidaysteen.

Madaxa mashaariicda tababarada macalimiinta wasaarada waxbarshada Puntland Maxamed Cali Faarax farmiyeeri ayaa madasha ka sheegay in Dowlada Puntlad in dowladu ay ku howlan tahay sidii dhalinyarada looga jeedin lahaa falalka burcada ah waxuuna sheegay in dowlada ay ka dagtay laamiga islamarkaasina ay gaaridoonto dhulka ka baxsan laamiga diirada ay saari doonto baahiya dhaliyarada haysata waxuuna u mahad celiyay Hay’ada NCA oo tababrka dhalinta maaligisay waxuuna kula dardaarmay dhaliyarada in ay ka faa’daystaan mashruucani ay qaateen.

Xaflada oo gun iyo gunaanada u ahayd barashada farsamada gacanta ayaa waxaa ugu Dambayntii Ardaydii qaadatay fursadahaasi waxbarsho lagu doonsii yay shahaadoonyin cadayn u ahayd tababarada  la siiyay waxaana Gudoonsiiyay shahaadooyinka Ardayda wasiirka wasaarada cadaalada Arimaha Diinta iyo dhaqan celinta mudane  Cabdi Khaliif Xaaji Xasan Ajaayo.

Tababarka ayaa waxaa ka faa’daystay lixdan iyo shan Arday waxaana ay Ardayada ka mahad celiyeen cashirada ay ka barteen dugsiga tababarka farsamada Ee Garoowe waxaana ay si gaar ah ay ugu mahada celiyeen Hay’ada NCA oo bixinaysay fanka ay Ardaydu waxku barnayeen mudadii ay Tababarka ku jireen.

Ma aha markii ugu horaysay Ee hay’ada NCA ay qabato Tababaro dhalinyarada looga wacyigalinayo falalka Burcad badeeda Nimada ah iyadoo ay hay’adu kaa shanayso wasaarada cadaalada Arimaha diinta iyo dhaqan celinta puntland.

Cabdi caziiz Ibraahim Axmed (cabdi caziiz okey)
SBC International Garoowe