Kulan looga arinsanayo dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay  magaalada Kismaayo xarunta gobolka jubada hoose ayaa waxaa isugu yimid xerada Xagardheere dhalinyarada ka soo jeeda Jubaland.

Markii uu kulankaasi dhamaaday ayaa waxaa SBC la hadlay qaban qaabiye yaashii kulankaas kana qeyb qaatay kulankaas iyagoona sheegay in dagaalkaasi ay siweyn uga xumaadeen islamarkaana ay masuuliyiidiisa dusha uga tuurayaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxay Dhalinyaradaasi sheegeen in madaxweynaha Soomaaliya uu burburinayo riyadoodii aheyd in ay dib ugu laabtaan wadankoodii oo nabad ah kana baxaan xabsiyo kor ka furan oo ay ku jireen .

Waxaa kale oo ay dhalinyarada u direen baaq dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo iyagoo sheegay in laga tagay xiligii la dagaalamayay, dagaalka bedelkiisana ay isugu yimaadaan miiska wada hadalka.

Dhageyso Warbixin Faahfaahsan oo uu ka diyaariyay warkan Wariye Axmed Dheere RIIX AMA DAAR

Sikastaba ha ahaatee dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa aad looga hadal hayaa xeryaha dhadhaab ee ay ku jiraan umad soomaaliyeed waxaana eeda dagaaladaas dusha looga tuurayaa madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Axmed C/laahi Jaamac Axmed Dheexe
SBC International Dhadhaab Kenya