Dhaqdhaqaaqa Dhalinyarada 20-ka February ee wadanka Moroco ayaa isugu yeeray shacabka dalkaasi in ay isugu soo baxaan,banaabaxyo lagu dalbanayo isbadal iyo Dimuqraadiyad maalmaha soo socda.

Sideeda Bisha May oo ay maalma yar ka harsan yihiin ayaa Ururka dhalinyaradu uu sheegay in uu noqonayo wakhtiga ay kama dambaysay banaabaxyadooda bilaabayaan.

Banaabaxyadii ugu dambeeyay ee ka dhaca Marocco ayaa galaaftay nolosha in kabadan 21 qof,iyadoona tobanaan kale ay ku dhaawacmeen.

Wadanka Marocco ayaa kamid ahaa,wadamadii laga dhigay banaabaxyada isbadal doonka ah ee inta badan ka socda wadamada carabta,iyadoona ay banaabaxyadaasi qaboobeen markii Boqorka dalkaasi uu sheegay in uu isbadal siyaasadeed samaynayo.

Maalin kahor waxaa wadanka Maracco ka dhacay qarax xoogan oo ay ku nafwaayeen tobanaan ajaanib ah,mana jirto ilaa iyo hada koox si rasmi ah u sheegatay qaraxyadaasi.  

Dhalinyarada kacdoonka waxaa ay cambaareeyeen qaraxyada aan la garanayn waxa ay ku salaysan yihiin,gaar ahaana ay ku dhimanayaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Baaqa banaabaxayada ee dalka Marocco ayaa imaanaya xili ay weli banaabaxyo ka sacdaan wadamo badan oo ka tirsan dalalka carabta,iyadoona intooda badan aan weli natiijo laga gaarin.

Xuseen Xuska
SBC International Monitoring.