Dhalinyarada ku  dhaqan magalada garawe ayaa siwayn  usoo dhaweeyey hadalkii madax waynaha punland ee ku aadanaa joojinta gudniinka gabdhaha oo madaxwaynuhu maalmo kahor kaga dhawaaqay shir ay isgu yimaadeen culuma awdiinka punland  oo diirada ku saarayeen  sidii culumada ku dhaqan punland aragti midaysan uga yeelan lahaayeen  joojinta gudninka hablaha oo caado dhaqameed ka ah gayiga soomalida

Kulan ay isugu yimaadeen dhalinyaro boqolaal kor u  dhaaafaysa oo kadhacay xarunta gobolka ee  maagalada  garawe  ayey  siwayn ugu taageeren hadalka madax waynaha ee ku aadan in deeganada punland laga joojiyey caado dhaqameedka  gudniinka fircooniga ah oo mudo dheer ay ku soo dhaqmayeen qoysaska soomalidu isla markaana  habalaha loo guday gudninkaasi ay kala kulmaan dhibaatooyin baahsan oo dhan walba ah haba u daraato  tan caafimaade

Dhalinyarada ka qayb  galay kulanka lagu taageerayey  joojinta gudniinka gabdhaha oo isugu jiray rag iyo dumar da’yar ah ayaa  mujiyey sida ay ugu faraxsanyihiin in la joojiyo gudniinkaas  oo dhibaato kasoo gaarto hablaha  xilayada kala duwan ee gabarnimada , guurka iyo xiliyada dhalmada oo dhamaanba ay dhibaato xoogan la kulmaan

Mudadii ay kulankaasi socday dhalinyaradii ka qayb gashay waxay soo bandhigeen sugaan  kala duwan oo ay ku cabirayeen dhibaatada cadaadasi ku hayso umada soomaliyeed oo siwayn u aaminsanyihiin isla markaan inta badan qoysaska somaaliyeed u gudaan hablahooda

Ugu dambayntiina waxay  socod  ku soo mareen wadooyinka waawayn ee magaalda iyaga  oo watay boorar ay ku qoran  yihiin hadalo ka dhan ah gudninka fircooniga ah  oo dhawaan madaxwaynahu ku dhawaaqay in laga  joojiyey deeganada punland

Uhirkan ay isu   yimaadeen dhalinyaradu kuna taageerayeen joojinta gudninka  gabdhaha waxaa  soo qaban qaabiyey ururka maxaliga ah SYSA ka shaqeeya joojinta  gudninka fircooniga  ah.

Maxamed Siciid yuusuf
SBC International Garoowe