Dhalinyarad Sportiga Ama kumada Cagta ee magaalada Gaalkacyo gaar ahaan koonfurta magaaladaas ayaa fuliyay howlgalo ay ku burburinayaan goobo lagu karinayay Cunada Xaaraanta ah xiliga maalintii maadaama lagu guda jiro bisha ramadaan .

Dhalinyaradani ayaa isku xilqaamay howlgaladan, iyagoona cagta mariyay goobo ka dhisay xaafadaha iyo suuqyada magaalada oo ay dadka masoomayaasha ahi ka cuni jireen cunada Xaaraanta xiliga Bisha ramadaan,

Waxay dhalintani sheegeen in ay howshan ku dhaqaaqeen ka dib markii ay u adkeysan waayeen caaraanta ay caadeysteen dadkaasi maadaama bisha ramadaan ay tahay bil maamuus ku leh Umada Islaamka arintana ay tahay mid mudan in talaabo sharci ah laga qaado.

Asad waa mid ka mid ah Dhalinta Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Galmudug waxaana uu SBC International xafiiskeeda Magaaladaasi u sheegay in diyaa ray u yihiin in ay baa bi’iyaan goobaha lagu kariyo cunada xaaraanta ah labada dhan ee magaaladaba, isagoona ugu baaqay dhalinta in ay isku duubnaadaan kana hortagaan waxyaabahaas diinteena xaniifka ah ay ka soo horjeedo.

Sikastaba ha ahaatee magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa waxaa ka jira xiliga bisha ramadaan dad iyagu cunada xaaraanta ah ku kariya goobo ganacsi iyagoona ka ganacsanaya, balse waxaa soo baxay oo arinkaasi ka horjeestay dhalinta kubaca Cagta ee Gaalkacyo taas ay si aad ah u soo dhaweeyeen dhamaan waxgaradka iyo culimada gobolka.

Liibaan C/laahi Faarax Qaran
SBC International Gaalkacyo.