In kabadan 60 Dhalinyaro ah ayaa maanta Tababar xirfado loogu abuurayo waxa uu uga furmay Magaalada Garowe isla markaasna  looga gol leeyahay in aysan dhalinyaradu  ku biirin Burcad Badeeda dhallinyaradaani ayaa laga soo kala xulay dagmooyin katirsan deegaanda Puntland sida  Eyl , Baargal ,Bayla ,Bosaso iyo  Garowe,waana wajigii afarad ee dhalinyaro noocan oo kale Tababar xirfado logu abuurayo.

Tababarkaani  ayaa waxaa inta badan waxaa  muhiimada lagu saarayey sidii dhalinyarada looga weecin lahaa Arrimaha Burcadbadeeda.

Madaxa Macadka GVTC ee Xirfada kal duwan oo ay ku baranayaan korontada Faryaamada Eng Maxamed Diiriye Lalac oo ugu horayn ka hadlay shaqo la’aanta baahsan ee haysata dhalinyarada Puntland ku waasi oo uu sheegay inay dhallinta ku qasbaan ianay hamiyaan ku biiridda burcadda iyo wixii la mid ahba.

Maxamed Cali Faarax agaasimaha Farsamda Gacanta Mashariicda iyo Tababarada wasarada Waxbarashadda Puntland ayaa sheegay in  Burcadbadedu Dhibaatada ay isu keenaan isagoona wax badan dhallintaani uga sheekeeyay dhibaatada  ay burcaddu uleedahay dhallinta kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan Fursadaaniayna ku dadaalaan inay wax bartaan barrina ayku shaqaystaan xirfadaha ay maanta baranayaan.

Madaxa Ha’yada NCA oo Barnamijkani waday Yusuf C/qaadir Xaaji Daahir ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixinaya Barnaamijkaani waa looga gol leeyahay isagoona xusayin in ay hay’ada NCA ay dadaal xoogan ugu jirto sidii dhallinta looga soo jeedin lahaa dhinaca xumaanta loona samayn lahaa  wax ay wax ku qabsan karaan kagana maarmi Karaan dhammaanba arrimahaasi .

Duqada Degmada Garowe C/casiis Nuur Cilmi oo isna hadal Kooban ka jeediyay Furitaankii furitaankii xafladaani Ayaa kula dardarmay dhalinyaradii in aysan Dayicin Xirfadahani shaqo ee la barayo ayna isku dayaan ianay dhallinta kale kawacyi galiyaan ku biirista burcadda. 

Wasiir ku xigeenka wasarada Cadalada oo si rasmi ah ugu furay Dhalinyaradani Maxamuud Xasan waxaa uu tilamay in Puntland ay lafdhabar u tahay Dhalinyarada in Shaqooyin loo abuuro si aan logu isticmaalin Wadooyinka qaldan oo ay ku dhibaatayn karaan bulshada qaybaheeda kala gadisan.

Tan iyo markii  ay ka dilaaceen xeebaha dheer ee Soomaaliya kooxaha Burcad badeeda Soomaalida  ah ee jid gooyada u dhigtay gaadiid badeedka maraya biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah ee  ka baxsan biyaha soomaaliyaba, dowlada Puntland waxay dadaal xoog u gashay sidii looga jeedin lahaa dhallinta dhankaa iyo Burcadda u hanqal taagaysa, iyadoo u maraysa waddooyin kala gadisan iyada oo ay ugu horrayso in laga wacyigalliyo dhallinta dhibaatada ay burcaddu u leedahay iyo Waliba in loo  sameeyo xirfado ay ku  shaqaysankaraan iyadoona lakaashanaysa ,hay’ado iyo ururo caalami ah .

Tababarada noocaani oo kale ah waa kuwo wax wayn ka badalikarta xaalada burcad badeed ee deegaanda Puntland haddii ay arrimahaani sii  socdaan.

 DAAWO SAWIRADA

Yusuf Maxamed Maxamuud (Yusuf yare)
SBC International Garoowe, Nugaal