Dowladda Puntland ayaa si adag kaga hortimid Guddiyada Doorashooyinka, Xuduudaha iyo Golaha Adeega Garsoorka Somaliya, waxayna Puntland ku sheegtay mid aan lagala tashan.

Golaha Wasiirada Somaliya oo Khamiistii isugu yimid shirkoodii Khamiislaha ahaa, ayaa waxay cod buuxo ku magacaaben Guddiyada Doorashooyinka, Xuduudaha iyo Garsoorka, xilli uu shir guddoominaayay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

C/xakiin C/laahi Cumar (Camey) Madaxweyne Ku Xigenka Dowladda Puntland Oo Warbaahinta Kula Hadlayay Galkacyo Ayaa sheegay inaanay Puntland waxba ka khuseynin magacaabidda Guddiyadaasi.

Wuxuu sababta ku sheegay iyadoo aan wax wada tashi ah lagala yeelan Dowladda Puntland oo aynaan kaga jirin xubno matala, isagoona Dowladda Somaliya ku eedeeyay inay garab martay Dastuurka Somaliya.

Hoos ka dhageyso codka madaxweyne ku xigenka.