Xaflada ay shirkada Golis Telecom ku taah furtay Adeega Taaj oo ah Mid xawaalad ah ayaa lagu qabtay Hotel Gaceyte ee Magaalada Boosaaso iyadoo ay ka soo qeybgaleen Maamulka & Shaqaalaha Shirkada Golis Madaxda Rugta Ganacsiga Iyo waxrashada Madaxda Shirkadaha Ganacsiga iyo Marti sharaf kale oo lagu Casumay sida Hay’addaha Maxaliga iyo kuwa Caalamiga ah.

Ugu horeyn Waxaa Daah Furay Xaflada Maareeyaha Guud ee Shirkada Golis Siciid Aadam oo sheegay in Tikniloojiyada Is balaarineysa ee Golis ay Qeyb ka tahay Furista Adeega Taaj oo ah Xawaalad Dalka iyo Dibadiisa Lacagta lagaaga soo diro karo adiguna aad mobile-kaaga uga Diro karto.

Marka laga Yimaado inay Xafladani ahayd Daahfurka Taaj Hadana waxaa ku lamaansanaa Furitaanka iyo Shaacinta Cutubyo kale oo Adeegyo ah kuwaas oo Shirkadu Hirgelisay Waxaana Siyaabo kala duwan Arimahaas uga hadlay C/raxmaan Dayax Madaxa Suuqgeynt Cumar faaruq Ciise Hogaanka Ganacsiga ee Shirkada iyo  C/risaq Yusuf oo ah Maamulaha Bank-ga Salaam

Gabagabadii waxaa Xaflada Ka hadlay Maxamed Mahad Gudoomiyaha Jaamacada Boosaaso iyo Maxamed Caydiid Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Puntland kuwaas oo Amaanay Muddo 15 sanno ah ee ay dalka ka shaqeynayo Golis iyo waxyaalaha ay soo kordhisay

Adegyada maanta la daahfuray ayaa Madaxda shirkadu ku tilmaameen kuwii loogu talagalay bisha May 2015 oo keliya balse ay soo socdaan Adeegyo kale oo waxtar iyo Faiidoba u leh Mushtajamaca intiisa kale ee Macaamiisha la ah shirkada Golis Dal iyo Dibadba

Geesta kale Shirkada Golis ayaa sheegtay Adeega taaj ee Xawaalada ay diyaar ula tahay hadey ka faaiideysanayaan Xawaaladaha Kale ee Wadanka ka shaqeeya taas oo sahleysa in qofka lacagtiisa uu ka diro karo looguna soo diro kale Mobile-kiisa gacanta ee Shirkada Golis

Hoos ka dhageyso warbixin:

Daawo Sawiradda:

IMG_5285 IMG_5303 IMG_5305 IMG_5318 IMG_5326 IMG_5347 IMG_5350IMG_5373 IMG_5377 IMG_5381 IMG_5387 IMG_5400 IMG_5402 IMG_5415 IMG_5417 IMG_5418 IMG_5419 IMG_5421 IMG_5423 IMG_5426 IMG_5428 IMG_5429 IMG_5430 IMG_5438 IMG_5439 IMG_5441 IMG_5451 IMG_5456 IMG_5458 IMG_5462 IMG_5478 IMG_5480 IMG_5483 IMG_5493IMG_5501 IMG_5505 IMG_5512 IMG_5520 IMG_5526 IMG_5529 IMG_5531 IMG_5540IMG_5544

Maxamed Deeq Cabdalla

SBC, Boosaso.