Ergo ka kooban odayaal dhaqameed, siyaasiyiin, Qurbajoog, culimmaa’uddiin iyo aqoonyahanno Ka Yimid Dalka iyo Dibadiisa ayaa maanta gaartay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Ergada ayaa warbaahinta u sheegtay inay Dhuusamareb u tageen inay ka qaybgalaan shirka maamulka loogu samaynayo bulshooyinka gobollada Mudug iyo Galgaduud oo ay qayb ka tahay bulshada ay wakiilka ka yihiin.

Waxay sheegeen inay si buuxda xaq ugu leeyihiin inay wax ka dhistaan maamulka cusub, bulshooyinka labada gobolna la wadaagaan waxkasta oo looga tashanayo mustaqbalka.

Waxaa Ku Soo Dhaweeyay magaaladda Dhuusamareeb Musiiliyiin Ka Tirsan Maamulka Dagmadda iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshadda Dhuusamareb.

Waa ergadii ugu horraysay ee Noocaan Oo Kala Ah Ku waas Oo Soo Gaarra Magaaladda Dhuusamareeb Walow Ay isii Gudbi Doonaan Magaaladda Cadaado

Hoos ka dhageyso warbixin Uu Galgaduud Ka soo diray wariye Maxamed Tooxow: