Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame Ayaa Maanta Gaaray Dagmadda Qardho Ee Gobolka Kar-Kaar.

Wafdiga Wasiirka ayaa Waxaa Dagmadda Qardho Ku Soo Dhaweeyay Masuuliyiinta Maamulka Dagmadda, Kan Gobolka Kar-Kaar, iyo Qaar Kamid Ah Shacabka Dagmadaasi.

Wasiirka ayaa Booqday 3-Kamid Ah Xarumaha Iskuuladda ee uu Ka socda Imtixaamka Santerlesit-ka Loo yaqaanno Kaasi Oo Hadda Ka Socda 74-Iskuul Oo Ku Yaalla Dagmooyinka Puntland.

Wasiirka ayaa Booqashadiisa kadib Kula Hadlay Warbaahinta Gudaha magaaladaasi Qardho, Wuxuunna Amaan Ujeediyay Gudiga Waxbarashadda dagmadda Qardho Ee Qaadaya imtixaan Sanadeedkan.

Qaar Badan Oo kamid Ah Goboladda iyo Dagmooyinka Puntland Ayaa Waxaa Ka Socda Imtixaankii Sanadlaha Ahaa Ee Ardayda Dugsiyadda Sare iyo Kuwa Dhexe, Waxanna Ay Wasaaraddu Sanadkani Suurtagalisay Qabsoomidda Imtixaankani Si Iskumid Ah Dhamaaan Iskuuladda Puntland.

Hoos ka dhageyso codka wasiirka.