Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa ka hor yimi hadal dhowaan kasoo baxay wasiirka arrimaha gudaha DFS, kaasoo uu ku sheegay inuu aqoon-saday mamulka Khaatumo Ee Uu Hogaamiyo Cali Khaliif Galeyr.

Wasiir Karaash ayaa sheegay inay gardaro tahay in Dowladda Fedralka Ah ay kala qaybiso Puntland, ayna arrinta wasiirka arrimaha gudaha DFS ka xun yihiin, sidoo kale shirka ajraa’id ee uu saxafadda u qabtay wasiir Axmed ayuu ku cadeeyay In Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn inay ka tirsan tahay Gobaladda Puntland, ayna Dowladda somaliya kala qaybin karin Dhulka iyo Shacabka Puntland.

Axmed Karaash Ayaa Sidoo Kale Ka Hadlay Gudiyo Madaxbanaan Oo Dhawaan Ay Dowladdu Magacowday, Arinta Maamul Usameynta Gobolladda Dhexe iyo Arimo Kale.

Hoos ka dhageyso Shirkiisa Jaraa’id.,