Kooxo hubaysan ayaa xalay waxa ay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ku dileen Wariye Daa’uud Cali Cumar iyo Xaskiisa, waxaana dilkaan uu dhacay saqdii dhexe ee xalay.

Cabduqaadir Barre Macalin Oo Ah Gudomiyaha Ururka Saxafiyinta Ee Maamulka Koonfur Galbeed somaliya Oo Lahadlayay SBC, ayaa sheegay in dilkaan uu yahay mid argagax badan oo Wariyaha iyo xaaskiisa loo geystay.
Wuxuu Noo Qaxaqiijiyay Geeridda Marxuumka iyo Xaaskiisi, Sidoo Kalana waxaa Halkaasi Ku Dhintay Nin Kale Oo Dhalinyarro Ah Oo Ka Ag dhawaa Guriga Saxafiga Dhintay.
Wariyahanna Waxaa Uu U shaqeynayay Idaacadda Madaxa Banaan Ee Radio Baydhabo Taas Oo Ah Mid Si Gaar Ah Loo Leeyahay, Lamana oga sababta dilka Wariyaha iyo xaaskiisa ka dambeysay.
Hoos ka dhageyso wareysiga.