Ciidamadda Amaanka Ee Magaaladda Garowe Ayaa Maanta Xiray Agaasimihii iyo Wariye Ka Tirsan Idaacadda Daljir Ee Magaaladda Garowe,

Wariyayaasha La Xiray ayaa Waxey kala Yihiin Agaasimihii Xarunta Garowe ee Daljir Cabdiraxmaan Xuseen Xasan (Gaardi) Tafatirhii Hore ee Xaruntaasi Jamaal Faarax Aadan Hadana Barnaamij Soo Saare Ka Ahaa Xarunta Daljir ee Magaaladda Garowe.

Ciidamadda ayaa Si Xoogga Usoo Galay Xarunta Idaacadda Waxeyna Ka Kaxeysteen Labadaan Wariye iyadoo Aan Wali Si Rasmi Ah Loo Ogeyn Sababta Loo Xiray Wariyayaashaasi.

SAXAAFAD

Ururka Saxafiyiinta Puntland Ee MAP Ayaa Durba Cambaareeyay Xariga Saxafiyiintaasi Waxaanna Ay Sheegeen inuu Yahay Mid Xaq Darro Ah.

Gudomiyaha Saxafiyiinta Puntland Feysal Khaliif Barre.

Gudomiyaha Saxafiyiinta Puntland Feysal Khaliif Barre.

Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Puntland Ee MAP Feysal Khaliif Barre Oo la Hadlay SBC Ayaa Ka codsaday Dowladda Puntland in si deg deg Ah Loo Siidaayo Labadaan Wariye Ee Ushaqeynayay Idaacadda Daljir.

Hoos ka dhageyso wareysiga Gudomiye Feysal:

 

Dhinaca Kale Madaxda Idaacadda Daljir Ayaa Cambaareeyay Xarigga Agaasimihii idaacadda iyo Wariye Ka Shaqeynayay Xarunta idaacadaasi ee Magaaladda Garowe.

Agaasimaha Guud Ee Radio Daljir Axmed Sheikh Tollman.

Agaasimaha Guud Ee Radio Daljir Axmed Sheikh Tollman.

Agaasimaha Guud ee Idaacadda Daljir Axmed Sheikh Tollman Oo isna La Hadlay Idaacadda SBC Ayaa Sharaf Xumo Ku Tilmaamay Xarigga Loo Geystay Wariyayaashaani, Wuxunna Dowladda Ku Eedeyay Iney Waddo Khaldan umartay Xarigga Wariyayaashaani.

Hoos ka dhageyso Wareysiga Tollman.

 

ilaa iyo Hadda Dowladda Puntland Kama Hadlin Xarigga Loo Geystay Agaasimaha iyo Wariyaha Ushaqeynayay idaacadda Daljir Xarunteedda Magaaladda Garowe.

SBC, News.