Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa Eeden Dusha Oga Tuuray Hay’adaha Samafalka Ee Ka shaqeeya deeganada Puntland.

Soocadde oo ka qeyb galayay kulanka dib u eegista waxqabadka hay’adaha ee wasaaradda qorshaynta Ee Puntland ayaa sheegay inaanan la aqbali karin sida ay haatan hay’aduhu wax ku wadaan gaar ahaan qaabka ay ku maareeyaan mashaariicda ay ka fuliyaan gudaha Puntland,

“Waxyaabaha wadanka ka jira waxaa kamid ah hay’ad ayaa mashruucii soo qoranaysa, miisaaniyadeedii soo qoranaysa, wixii ay ku fulin lahaydna la imaanaysa. Halkaan markay timaado Puntland qorshaheeda ayay horey ka galaysaa dowladduna waxba kama oga.

“Ilaaheey ayaa idinku dhaarshaye ma wax loo dulqaan karaa arintaas, Dowladdu Wax Xog Ah kama Hayso, Waxa Loo Qabanayo Bulshada” Ayuu Yirir Soo Cadde.

Wuxuu Wasiirku Si Gaar Ah usoo Hadal Qaaday Hay’addo Gaar Ah Oo Uu Sheegay inaan ilaa Hadda Waxqabadkoodda La Arag,

Hoos ka dhageyso codkisa: