Dagmadda Dhuusamareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud ayaa markii ugu horeysay waxaa laga hirgeliyay Nalal ku shaqeeya Cadceedda Ama Qoroxda, kuwaasi oo wax badan ka bedalay bilicda magaaladaasi.

Nalalkani Ayaa waxaa Hirgalisay Dowladda Norway Iyadoo Ay Ugu Deeqday Dowladda Fedraalka Ah Ee Somaliya.

Qaar ka mid ah Bulshadda ku nool Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin nalalkaan ku shaqeeya cadceeda ee degmadaasi laga hir geliyay.

Dhinaca Kale Gudomiyaha Dagmadda Dhuusamreeb ee Dowladda somaliya Macalin Cabdiraxmaan Geeda-qorow oo Oo Isna La Hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in nalalkaasi ay Oga Mahad Calinayaan Dowladda Norway, islamarkaana ka maamul ahaan ay ku dadaali doonaan sare u qaadidda bilicda magaaladaasi iyo Sidii Loo Dhowri Lahaa.

Mudooyinkii Udanbeeyay Ayaa waxaa Dagmadaasi Ka Soconayay Hormarro Kala Duwan Oo Ay ka Sameenayso Dhinaca Bilicda waxaanna La Filayaa iney Magaallo Madax Unoqoto Maamulka Loo Sameenayo Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Mudug.

Hoos ka dhageyso Warbixin: