Madaxweynaha Dowladda Somaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Ayaa La Filayaa iney Maanta Soo Gaaraan Magaaladda Garowe ee Caasimadda Puntland.

Wafdiga Madaxweynaha Ayaa Waxaa Ku Wehlinaya Socdaalkiisa Xumno ka Tirsan Golaha Wasiiradda, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, Waxaanna Docda Kale isla Maanta Ka soo Ambabixi Doonna Magaaliyinka Beydhabo iyo Kismaayo, Labada Madaxweyne Ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Somaliya, Oo iyagunna Qeyb ka Ah Wadahadallada Ka Dhacaya Magaaladda Garowe.

Si Cad Looma Oga Waxa Laga Wada Xaajoonayo, Laakiin Wararka Ayaa Sheegaya in Uu Kulankani Daba Socdo Kulan Horay Garowe Ugu Dhex Maray Reysulwasaraha Somaliya Iyo Madaxweynaha Puntland, Kaas oo Looga Wada Hadlayay Arimaha Fedraalka iyo Nimaadka Hiigsiga Cusub Ee Sanadka 2016.

Dhinaca Kale Sida Ay Soo Sheegayaan Wariyayaasheena Magaaladda Garowe Amaanka Ayaa Xiligan Aad Loo Adkeeyay Waxaanna La Xiray Qaar Kamid Ah Wadooyinka Ka Agdhow Madaxtooyadda Puntland iyo Garoonka diyaaradaha ee Magaaladaasi.

Hoos ka dhageyso warbixin Uu Muqdisho ka soo diray Wariye Xasan Cowke.

La Soco Faah faahinta Haduu Alle idmo,