Maamulka Isbitalka Guud Ee Gobolka Mudug Ayaa Cabasho ka Muujiyay Shaqsi Ay sheegeen inuu ku qaraabanayo Magaca isbitalka, Wuxuunna Ku Raadsanayo Dhaqaalle isaga Ku Goonni Ah.

Dadka Uu La Xiriiray Ayuu usheegayaa in Isbitalka Ay Ka jidho Xaalad Dawo La’aaneed, Ama Ay Yaalaan Dad Bukaan ah Oo U baahan Gurmad Caafimaad.

Agaasimaha isbitalka Guud ee Gobolka Mudug Dr. Maxamed Xuseen Ayaa Usheegay warbaahinta in Shaqsigaasi Uu yahay Mid Khalad Ka Galay Isbtalka Gobolka Mudug, Wuxuunna Ninkaani Magaciisa Ku Sheegay Yuusuf Maxamed Guuleed, Oo Uu Xusay inuu Ku Qaraabto Magaca Agaasimaha Guud ee isbitalka, Taasna ay sharaf dhac  u Tahay Isbitalka Guud ee Gobolka Mudug.

Wuxuu Dhamaan Dadka Galkacyo iyo Kuwa Gobolka Mudugba Oga Digay ninkaasi, Iyo Kuwa Lamidka Ah, Kuwaas Oo Uu Sheegay iney ku qaraabanayaan Magaca Isbitalka Guud ee Gobolka Mudug.

Hoos ka dhageyso warbixin Uu Galkacyo ka soo diray Cabdulahi Yare,