Maamulka Dagmadda Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug Ayaa Faah faahin ka Bixiyay Howlaha Biyo Ka Saaridda Magaaladda Oo Mudooyinkii Udanbeeyay Ay Ku Howlanaayeen.

Gudoomiyaha Dagmadda Gaalkacyo Cabdicasiis Jaamac Nugaal Oo La Hadlay Warbaahinta Ayaa Sheegay In Meel Wanaagsan Ay Marayaan Olalihii Biyo Ka Saaridda Magaaalada.

“Meel Fiican Ayeey Maraysaa, Biyahanna Si Fiican Ayaa Loo Gurayaa, Kannaallo Ayaan Usameenay ay Raacayaan Biyaha, Waxaa Kaloo Jirra Booyaddo Biyaha Ka Guraya Magaaladda,  Wali Biyuhu Wey Fadhiyaan, Xitaa Waxaa Jirra Meelo Badan Oo Kamid ah Magalaadda Kuwaas Oo Biyo badan Ay yaalaan, Roobkunna Wali Wuu Da’ayaa ” Ayuu yiri Duqa Galkacyo.

Sidoo Kale Mar Aan Wax ka Weydiinay iney jidho cid ka caawisay Howlaha Biyo Ka saaridda Magaaladda Ayuu sheegay ineysan wax Kaalmo Ah Ka Helin Dowladda iyo Hay’addaha Midna, Marka Laga Reebo Hal Hay’ad Ah Oo Kaalmo Yar Siisay.

Ugu Danbeyn Ayuu Duqa Gaalkacyo Ugu Baaqay Dowladda Puntland iyo Hay’addaha Samafalkaba iney ka Qeybqaataan Howlaha Ay Wadaan Maamulka Dagmadda Galkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Hoos ka dhageyso Warbixin: