Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr C.wali Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiin Camey, xubno kale oo ka tirsan odayasha iyo waxgardka, iyo golaha baarlamanka ayaa ka hadlay xaflada iyagoo muu jiyay mamuuska maalintan ay leedahay iyo xaaladda ay mareyso Somalia.

Khudbadii halakas uu ka jeediyay madaxweynaha Puntland Dr gaas waxa uu diiradda ku saaray siyaasadda ka jirta xiligan Soomaaliya, siiba tan ka taagan gobolada dhexe ee dalka.

Gaas waxa uu tilmaamay in puntland ay tahay maamul dhisan oo aan xiligan u baahneyn aqoonsi, uuna ahaa maamul ka horeeyay federaalka, kii nicib iyo kii jecelba ay tahay Puntland hooyadii federaalka.

Waxa uu sheegay in puntland ay qaadan doonto go’aan hadii ay sii socdaan carqaladeynta ka socota cadaado, isagoo masuuliyadaasna sheegay in ay dusha saaraneyso dowladda federaalka soomaaliya.

Dhageyso khudbadii madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas