Qaar Kamid Ah Jaaliyadda Reer Puntland Ee Dalka Austeria Ayaa Ka Hadlay Xaaladda Qaxootiga Somalidda ee ka imaanaya Dalka Yemen.

Suldaan Maxamed Yuusuf Cabdi Oo Ahaa Afhayeenkii Hore ee isamadda Puntland Oo Kulamadda Dadkaasi lagu Caawinayay Hormuud U Ahaa Ayaa Booqday Meelo Kala Duwan Oo Kamid Ah Dalkaasi Austeria,

Wuxuu Ugu Baaqay Dhamaan Dadka Dagan Qaradda Yurub Ee Olalahaan Ay Ka wadaan in laga Qeybqaato Ugurmadka Qaxootiga Somalidda ah ee soo Gaaraya Xeebaha Magaaliyinka Boosaso iyo Ber-berra.

Sidoo Kale waxaa halkaasi ka hadlay Cabdikaafi Cabdulaahi Maxamed Oo Kamid Ah Jaaliyadda reer Puntland Ee Dalkaasi Austeria, Wuxuunna Dhinaciisa Baaq Kaas Lamid Ah Udiray Dhamaan Jaaliyadaha reer Puntland Ee Ku Sugan Daafaha caalamka, Kana Qeybqaataan Ugurmadka Dadkaasi.

Hoos ka dhageyso Warbixin Uu Halkaasi ka soo diray Wariye Maxamuud Fantastic.

Hoos ka arag sawirro Kooban:

Jaaliyad jaaliyad2