Xili Shalay Galinkii Danbe Warqad kasoo baxday Saxiixyaasha Maamulka Gobolada Dhexe Ay ku sheegeen in shirka Maamulka loogu sameeynayo Gobolada Dhexe ay faragalin ku heeyso Dowlada Dhexe Ee Soomaaliya ayaa arintaasi Waxaa ka jawaabay Guddiga Farsamada.

Afhayeenka Guddigaasi Sh.Cumar Sh.Cali Rooble oo lahadlay Warbaahinta SBC  Ayaa sheegay in Warka kasoo baxay Saxiixayaasha uu yahay mid aan waxba ka jirin isga oo carabka ku dhuftay in aanay jirin wax faragalin ah oo ka imaaneeysa dowlada Somalia taa badalkeedana dowladu ay taageero dhinacyo badan ah ay ku bixiso Shirka Maamul usameeynta Gobolada Dhexe Ee Soomaaliya.

Dhinaca Kale Afhayeenka Guddiga Maamul usameeynta Gobolada Dhexe Ee Soomaaliya Sh.Cumar Sh.Cali rooble oo aan wax ka weeydiinay cabashada ka imaaneeysa Qaar kamid ah Beelaha daga Gobolada Dhexe Ee Soomaaliya ayaa si kooban u sheegay in ay hadda wali shirku uu yahay biloow wixii Cabasho ahna dib laga arki doono.

Magaalada Cadaado Ee Xarunta Maamulka Ximin iyo Xeeb Waxaa ka socdo Shirka Maamul usameeynta G.Dhexe Ee Soomaaliya Waxaana xusid mudan in ay jiraan Cabasho ku aadan xulista odoyaasha ka qeeybgalaya shirka Maamul usameeynta G/Dhexe .

Hoos ka dhageyso warbixinta wariye Khadro Jaamac.