Munaasibad ku saabsan kor u qaadista dhaqanka Soomaalida iyo farshaxanka xirfad-layaasha Puntland ayaa ka bilowday xarunta wasaradda warfaafinta ee magalada Garowe.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdilaahi Camay oo ka mid ahaa masuuliyiintii goobjooga ahaa ayaa daah-furay todobaadka dhaqanka iyo farshaxanka oo socon doono mudo asbuuc ah.

Waxaa kasoo qayb galay sidoo kale wasiirro,xildhibaano, siyaasiyiin, odayaal dhaqan, haweenka, dhalinyaro, qurba joog iyo kooxo matalaya 9-ka gobal ee Puntland.

Camey

Madaxweyne Ku Xigenka Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Camey

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa sheegay inay tani tahay mid farxad galinaysa umadda Soomaaliyeed dal iyo dibad, waxa kale uu Eng.Camay sheegay inay mar kasta diyaar u yihiin waynaynta dhaqanka iyo hidaha Soomaalida, sidoo kale waxa u mahad celiyay kooxihii gobaladda ka socday ee ciyaaraha iyo waxyaabaha dhaqanka ah kusoo bandhigay munaasibadda.

Todobaadka uu socda barnaamijkan ayaa lagu wadaa in sidoo kale lagu soo bandhigo gobal kasta waxa uu caanka ku yahay.

Hoos ka dhageysi Warbixin: