Wararka naga soo gaaraya Xarunta Golaha Shacabka Ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta uu dib u dhac ku yimid fadhiga Baarlamaanka.

Mudanayaasha Baarlamaanka Ayaa lagu waday in Maanta ay go’aan ka gaaraan Mooshinka Golaha baarlamaanka Ee Maamulka Jubba.

Xildhibaan Cumar Max’uud ayaa Goordhow SBC u sheegay in Xildhibaano gaaraya ilaa 80 Xildhibaan ay soo xaadeereen Taasi oo keentay in kooram la’aan uu Maanta u baaqday Fadhiga Baarlamaanka.

Waa Markii 3-aad oo uu dib u dhaco Mooshinka laga keenay Xildhibaanada Baarlamaanka Ee Maamulka Jubbalad.

Hoos ka dhageyso wareysigii: