Wasiirka arrimaha gudaha iyo horumarinta reer miyiga ee Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta Galinkii Danbe shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magalada Garoowe ayaa sheegay in dowlada Puntland aysan awood ku filan u heyn qaxootiga faraha badan ee kasoo cararaya dagaalada ka Socda dalka Yaman.

Karaash ayaa Hay’adda Samafalka iyo Beesha Caalamkaba ka codsay in laga gacan siiyo tirada sii kordheya Qoxootiga ee kasoo firxaday dagaalada sokeeye ee holcaya dalka Yemen, wuxuuna si rasmi ah u sheegay in tirada Qoxotiga ay iminka kor u dhafay shan kun oo ruux, oo isagu jira, Kenyan, Ethiopian, Yamaniyiin iyo dad Soomaaliyeed, wuxuuna hoosta ka xariiqay in tiradaada sii kordheysa maalin walba aysan Puntland ku filnaankarin kaligeed.

Shalay Oo Ay Ugu Danbeysay ayeey aheyd markii Qaxooti Somali ah oo Tiradooddu gaarayso 1000-Ruux Ay soo gaareen Dekedda magaaladdan Boosaso.

Hoos ka dhageyso warbixinta Wariye Bishaaro Cabdi Casiis Jaamac.