15kii bishan July Sanadkan 2013 ayay aheyd markii golaha wasiirada Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen sharciga saxaafada Soomaaliya laguna wado in la horgeeyo baarlamanka Soomaaliya si ay u meel mariyaan,

Waxaa Sharcigan shaacintisii ka dib soo baxay dood ka dhaxdhalatay saxafiyiinta Soomaaliyeed, masuuliyiinta Hay’adaha warbaahineed iyo ururada Saxaafada,

Hadaba ku soo dhowaada Dood ay ka qeyb galayaan wariye yaal ka shaqeeya xeryaha dhadhaab kana howlgala Hay’adaha warbaahineed kuwooda Caalamiga ah iyo kuwa kaleba.

Axmed Iusaaq Cabdi Laqaaye, oo ka howlgala Televesionka Somali Chenell, Xalwa Cabdi Cali oo ka mid ah Idaacada Radio Dhadhaab FM, Maslax Abuukar Xaaji Daacad oo ka mid ah Radio Dalsan ee Magaalada Muqdisho, iyo Maxamed Sheekh Bashiir oo ka howlgala Warbaahinta Daljir ayaa ka qeyb qaadanaya Doodan.

Waxaa doodan dhex dhigay wariye yaashan Wariyaha SBC ee Dhadhaab Axmed C/laahi Jaamac (Axmed Dheere) oo ku sugan Warqabadka Dhadhaab Dhageysi wacan

Halkan ka dhageyso  RIIX AMA DAAR