Maalin walboo Jimce ah Idaacada SBC waxaa ka baxa ka dib salaada Jumce Barnaamijka Nasashada SBC kaas oo ay hadba fekerkooda ka dhiibtaan mowduucii taagan bulshaweynta ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyo deegaanada kale ee ay sida faseexa ah looga dhageysto Idaacada .

Maanta Barnaamijka Nasashada SBC waxaa loogu bandhigay dadka aragtida ay ka qabaan doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo ee uu ku soo baxay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Dhamaan Dadkii ka qeyb qaatay Barnaamijka soona galay Qadka Telefoonka waxa ay garba siman ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha cusub ee Jubaland iyagoo sheegay in uu yahay Axmed Madoobe Madaxweyne ku soo baxay si cadaalad ah .

Waxaa kale oo ay Fegradadooda dadku raaciyeen baaq iyo dhaliil ay u jeedinayaan dowlada federaalka Soomaaliya iyagoo u sheegay in loogaga baahan yahay taageeradeeda Jubaland maadaama Xukuumadu ku dhisantahay nidaamka Federaalka oo laba gobol wixii ka badan ay sameysan karaan Maamul goboleed ka mid noqda nidaamka Federaalka .

Dhageyso Barnaamijka Nasashada SBC oo ay Todobaadkan Daadihineyso Wariye Niciimo Siciid Cali (DEGEN)

Dhageyso NASASHADA SBC

SBC International Boosaaso