Shaqo walba oo uu qofku qabto waa wax ku qaali ah Noloshiisa, waqti kastana waxa uu leeyahay ka hadalkiisa, Maanta Barnaamijka Arimaha Bulshada looga hadlo islamarkaana dadku fegradahoodu isku dhaafsadaan jimce Walbana ka baxa Idaacada SBC waxaa lagu falan qeeyay Fegradihooduna ay dadku isku weydaarsadeen qodobka ah,, Keebaa badan Shaqooyinka ay qabtaan Raga iyo Haweenka, ee soo saara nolol maalmeedka qoyska .

Inta badan Mudooyinkii ugu dambeeyay, qodobkan waxa uu ahaa mid soo laalaabta siweynna loogaga doodo, maxaayeelay waxaa batay Haweena shaqooyinka lagu soo saaro nolol maalmeedka qoyska qabta, taasina waa mid ku timid duruuf ka dhalatay burburkii ku yimid Soomaalia.

Badi Ragoodu Haweenkaasi ma ahan kuwo shaqeeya, qaarna ifkaba kuma noola oo waxa ay raaceen burburkii dalka, inkastoo ay jiraan Rag u nool qoyskooda balse aan waxba ku soo kordhin, waana kuwo ay qardaadub ku tilmaameen qaarkood dad maanta fekerkooda cabirayay.

Inkastoo aanay Diinta Islaamku qabin in Shaqooyinka banaanka ah aanay qaban haweenka, hadana  waxaa jira haween nolol maalmeedkooda ka soo saara suuqa, waxaana ku kalifay duruuf sida aan kor ku soo xusay.

Hadaba Aan wada dhageysano Fekerada ku aadan xiligan la joogo cida Badan Raga iyo Haweenka Shaqooyinka, gudaha iyo banaankaba.

DHAGEYSO BARNAMIJKA NASASHADA SBC

Barnaamijkan Waxaa Daadihinaya Wariye Naciimo Siciid Cali (Degen) Waxaana qadadka taleefoonka ugaga qeyb qaadan doona dadweynaha ku dhaqan Magaalooyinka Boosaaso Qardho iyo Garoowe, Dhageysi Wacan.