News, Sports, Uncategorized

Dhageyso Barnaamijka Ciyaaraha Maanta ee Idaacada SBC International

UEFA_Euro_2012_logo.svg

Guruubka dhimashada oo ay Germany iyo Denmark wada hogaaminayaan

Laacibka kooxda bayern munich ayaa xulkiisa u sahlay guul muhiim ah oo ay ka gaareen xulka portugal ciyaar ka tirsan group b ee koobka euro 2012

Ciyaartan oo ahayd ciyaarta ugu adag group of death ayaa xulka germany heleen 3 dhibcood ee ugu horaysay groubkan b

Xulka germany ayaa helay fursadihii ugu badnaa ee ciyaartan iyadoo laaacibka cusub ee kooxda arsenal lukas podlsky oo helay labo fursadood oo gool loo fishay oo ahaa fursado wacan

Dhanka kale laacibiinta kale c.ronaldo bostigo iyo laacibka man utd ayaa fursado ka khasaariyey xulkooda iyadoo xulka germany ay difaacdeen goolkeeda ay u dagaalameen 3 dhibcood ee ugu horaysay groupka dhimashada

Dhanka kale xulka denmark ayaa helay 3 dhibcood oo muhiim ahayd markii ay 1:0 gu garaaceen xulka loo saadaalineyey in ay qaadeen koobkan ee holand

Iyadoo xulka holand ay abuureen fursado badan lkn laacibka dehli ayaa daqiiqadii 24aad u dhaliyey xulkiisa denmark ayna heleen sedex dhibcood oo muhiim ah

Isku soo wado duubo waxaa groubkan min 3 dhibcood kuwada hogaaminaya germany iyo denmark.

Halkan ka dhageyso Macluumaad kale oo  badan iyo Barnaamijkii oo dhameystiran
DHAGEYSO

 

2 Comments

  1. waw mashalah walakey mahamud yare ayn k maqlaya codkisa meshan so wan ku farhsanhy walhi wariye sarey iga dheh

  2. masha alaah caadimaadi maaha walakay maxamud best weriye kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk walahay aad ayan ugu farah sanahay in ana maqlo codkaaga

Leave a Reply

SBC is a registered trademark for Somali Broadcasting Corporation, Ltd.