Barnaamijkan waxaan kaga hadlaynaa dhacdooyin kala duwan oo ku saabsan fikradii, aasaaskii, soo shaacbixidii, caqabadihii, guulihii & himiladii ururkii SYL halka ay ku dambeysay.

Barnaamijkan oo xiiso gaar leh isla markaana xambaarsan taariikh dhameystiran oo aan soo koobnay wuxuu iftiiminayaa kaalinta ururka SYL uu ka soo qaatey halgankii xornimo doonka Soomaaliyeed & waliba xiligan 50 sano ka dib aasaaskii SYL 13-kii dhalinyaro ee ururkaasi fikiray ma heleen riyadoodii?

Mowliid Xaaji Cabdi ayaa barnaamijkan isku soo duway isaga ayaan soo jeedinaya ee dhageysi wacan.

Barnaamji xiiso leh Taariikhdii ururka SYL