Halkan Waxaan idinkugu soo gudbin doonaa barnaamij Soconaya Mudo nussaac ah oo ka hadlaya qaadka iyo Dhibaatada uu u leeyahay Bulshada Soomaaliyeed meelkasta ha joogaan .

Dhibaatooyinka Dhaqan iyo Dhaqaale uu bulshada ku hayo Cunista Qaadka ma ahan mid la soo koobi karo, waxa uu qaadku aafo u yahay qof kasta oo cuna, isagoo u geysta khasaarooyin dhinac kasto ah,

Qaadku waxa uu ka mid yahay Maandooriye yaasha Caalamka looga aqoonsanyahay in uu isbedel ku keeno Miyirka Qodka Caafimaadka qaba.

Wixii ka dambeeyay Burburkii dalka Soomaaliyeed isticmaalikiisu waxa uu ahaa mid ku sii badanayay bulshada Soomaaliyeed ee ku kala baahsan daafaha dunida .

Inta badan Waxa la tilmaamaa in qaadku uu sabab u noqday Burburkii Soomaaliya, Burburka Qoysasbadna oo Soomaaliyeed, taas oo marar badan Soomaalida ku soo laalaabatay.

Majiraan Cilado kale oo sabab u noqday Burburka Qoysas aad u tiro badan oo Soomaali ah Cunista Qaadka Mooyee .

Barnaamijkan Waxaa Isku soo Duba Riday Wariye Baashi Cumar Ismaaciil oo ku sugan Magaalada Nairobi Xarunta Dalka Kenya, waxaad kaga bogan Doontaan wareysiyo, Codad kale, Suugaan cabireysa Dhibaatada qaadka uu sababay, Dhageysi Wacan.DHAGEYSO BARNAMIJKAN