Barnaamijkaan aad maqli doontaan waxa uu ku saabsanaan doona dhibaatada Balaaran ee Haysata Caruurta ku dhaqan xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.

Waxa kale oo aad kaga bogan doontaan shaqo la’aanta haysata isla Caruurtaas, oo aad ku maqli doontaan warbaxino iyo waraysiyo kala duwan oo aad barnaamijkan ku jira.

Sidoo kale Barnaamijka todobaadka iyo xeryaha Dhadhaab waxa aad ku maqli doontaan , xaalada dhabta ah ee ay ku nool yihiin Caruurta soomaalibaantuuga oo aad kaga bogan doontaan warbixino iyo warar kala duwan.

Kama marna waa side nolosha dhabta ah ee ka jirta xeryaha ay ku dhaqan yihiin caruurta soomaaliyeed waraysiyo, warbixino, codad Cabashooyin ayaad kaga bogan doontaan barnaamijkaan .

Waxaa kaloo barnaamijka ku dahgaysan doontaan soomaalida qaxootiga ku ah dalka Libiya oo ka cabanaya dhibaatooyin kala duwan.

Qodobaas iyo waliba qodobo caalami ah ayaad barnaamijkaan Todobaadka iyo xeryaha Dhadhaab kaga bogan doontaan.

Barnaamijkaan waxaa idin la socod siin doona Wariyaasha Warbaahinta Caalamiga ah SBC oo ku sugan xeryahaas oo kala ah

Wariye Baashi cumar ismaa’ciil ( Baashi Fantastic )

Iyo waliba Wariye, Maslax Abuukar Xaaji ( Maslax Daacad )

DHAGEYSO

Sawiro


Maxamuud Cabdi Saciid Fantastic