Ku Soo dhawoow Dhageyste Ama Akhriste Waxaan halkan kugu hayaa Barnaamij gaar ah oo la magac baxay Todobaadka iyo Xeryaha Dhadhaab.

Barnaamijkan ayaa ah mid taabanaya dhinacyo Muhiim ah oo qeexaya Nolosha iyo Habdhaqanka dhabta ah ee bulshaweynta ku dhaqan xeryaha Dhadhaab, waana Barnaamij ka mid ah kuwa Arimaah bulshada ee ay SBC ugu talagashay bulshadeeda ku xiran.

Qodobada Aad ku maqli doontaan Barnaamijkan diirada saaraya arimaha bulshada waxaa ka mid ah,

Kaalinta Culimada xeryaha dhadhaab kaga jiraan Horumarka Bulshada.
Saameynta Maseyrka uu ku yeesho Bur burka Qoysaska Soomaaliyeed .
Sidee looga Adeegsadaa Hees Howleedka lagu qabto shaqada iyo Cuno dhaqameedkaba

Waxaan ka maqneyn Barnaamijka kaalimo Suugaan oo iyaguna si toos ah u abaaraya lana xiriira qodobada Barnaamijkan lagu soo qaadanayo.

Waa Barnaamij aad u xiiso badan Dhageysi Wacan.DAAR AMA RIIX

Barnaamijkan Gaarka ah waxaa halkan ka soo tabinaya Wariye Axmed C/laahi Jaamac (Axmed Dheere) Oo ku sugan Xeryaha Dhadhaab.

 

Baashi Cumar Ismaaciil
SBC International Xeryaha Dhadhaab.