Waxaa galabta Magaalada Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay munaasabad lagu caleemo saaraayay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, oo tiradoodu ka kooban tahay 77 Xildhibaano.

Munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Caymiska, ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliya, Wasiirada Arrimaha Dibadda Kenya, Ethiopia, Wakiilka Igad ee Somaliya, xubno beesha caalamka matalaayay iyo marti sharaf kaloo ballaaran.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan oo ka hadlay munaasabadda, ayaa wuxuu meesha ka saaray in masuq maasuq lagu soo xulay Xildhibaanada, sida uu yiri.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlaayay daahfurka Baarlamaanka Jubbaland, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Dowladdu taageersan tahay Baarlamaanka Jubbaland.

Madaxweynaha oo soo hadalqaaday in beelaha qaarkood ay saluugsan yihiin soo xulitaanka Baarlamaanka Jubbaland, ayaa wuxuu Baarlamaanka ugu baaqay in la xaliyo dadka ka biyo diidan soo xulistooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka codsaday Baarlamaanku in dulqaad uu muujiyo, dadaal badana uu ku bixiyo sidii loo qancin lahaa dhinacyada u arka, in sifo aan sharciga ahayn lagu soo xulay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia, Tedros Adhanom oo ka hadlay munaasabadda, ayaa wuxuu booriyay soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, isagoona taageeray.

Dhinacyadii kale ee ka hadashay, ayaa waxay guubaabiyan Dhismaha Baarlamaanka Jubbaland, waxayna ugu hambalyeeyen dadaalka lagu bixiyay, sidii Baarlamaanka dhidhibada loogu taagi lahaa.

Hoos ka dhageyso Afhayeenka Maamulka Jubbaland C/Naasir Seeraar Maax Oo SBC Oga warbixiyay Xafladii Maanta,