Inkastoo mudooyinki dambe ee caadiyan ka ahaayeen guud ahaanba  gobolka waqooyi bari Kenya, Falalka lidiga ku ah amaanka islamarkaana lagu ugaarsanyo saraakiisha dowlada Kenya iyo dadka sida dhow ula shaqeeya ciidamada dalka Kenya  waxaana falalkaani ay noqdeen kuwo ku soo lab laabatay magaalooyin badan oo katirsan gobolkaani waqooyi barki Kenya haba ugu badnaadeenee magaalooyinka  Gaarisa,Wajeer,Mandheera, iyo Magaalada Dhadhaab oo ay hoos yimaadaan xeryaha qaxootiga ee dhadhaab oo ay ku jiraan in ka badan nusmilyan muwaadiniin soomaaliyeed ah.

Hadaba falalkaani amni dari ee ku soo kordhay gobolkaani ayaa waxaa cabasho xoogan ka muujinaya guud ahaanba maatida ku dhaqan deegaanada  ay sida gaarka ah u saameeysay xaaladaha amni dari iyadoona ay muuqato durbadiiba saamyn ay bulshadaasi ku yeesheen falalka amni xumo  ee ay ka cabanayaan.  

Halkaan hoose ka dhageso warbixin ku saabsan amni darada ka jirta gobolka waqooyi bari Kenya waxaana warbixintaan xeryaha dhadhaab kasoo direy Wariye baashi cumar ismaaciil.  RIIX AMA DHAGEYSO

Sikastaba ha ahaate falalkani amni dari ayaa waxa ay joogto ka noqdeyn guud ahaan gobolkani iyadoona aan si rasmi ah loo ogeyn cida falalkani  ka dhan ka ah xasiloonida gobolka  geesaneysa

Xafiiska warqabadka xerooyinka  qaxootiga dhadhaab