Wararka ka imaanaya degmada Boorame ee gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in roobab baraf wata oo khasaare geystey ay ka da’een tuulooyin ka tirsan degmadaasi.

Roobabkan & barafkan is wata oo ay tahay markii ugu horeysay ee deegaanadaasi ay ka da’aan ayaa waxay khasaare u geystey dadka reer guuraaga & beeraleyda ah ee tuulooyinka Degmolaqas & Shabeele waxaana ay baabi’iyeen beerihii barafka & aqalo Soomaaliga deegaanadaasi ku yaal.

Maamulka deegaankaasi & dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyey roobabkaasi barafka wata ee halkaasi ka da’ay iyadoo wali barafkii oo ka sameysan dhagaxaan waa weyn uu daadsan yahay deegaankaasi.

Dhacdadan la yaabka leh, qaylo dhaanta dadka deegaanka & barafkaasi oo wali daadsan dhulka ka daawo link Video hoose.

Halkan ka daawo