Sida ay ku waramayaan wararka ka imanaya Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug waxaa halkaasi la gaarsiiyay maanta dhaawac dad kor u dhaafaya 20 qof kuwaasi oo laga keenay Deegaanka ka agdhow Buuhoodle halkaas oo uu maalin nimadii shalay ka dhacay dagaal xoogleh.

sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta caafimaad dhaawaca la gaarsiiyay Gaalkacyo ayaa isugu jira kuwo qaba dhaawacyo fudud iyo kuwo cul culus iyadoona ay u badan tahay kuwa uu dhaawacoodu halista yahay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaawacydaan ay isugu jiraan dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaalamayay inkastoo aan si rasmi ah loo kala saari karin.

Dagaalkii ka dhacay Maalin nimadii shalay duleedka Degmada Buuhoodle ee Gobolkasi Ceyn waxaa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh iyadoona ay jiraan khasaarooyin kale o ay labada dhinac isa gaarisiiyeen kalana qabsadeen gaadiid dagaal.

Wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi ayaa sheegaya in ay is horfadhiyaan labada dhinac waa maleeshiyaadka deegaanka Buuhoodle iyo ciidamada maamulka isku magacaabay Soomaaliland.


SBC International Hargeysa.