Sida uu ku warbixiyay Masuulka u qaabilsan Dowlada Federaalka Soomaaliya gobolkaasi Shabeelaha hoose ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa howlgallo ay ka sameeyeen wadooyinka isku xira degmooyinka gobolkaasi waxa ay ku qaadeen jidgooyooyin waaweyn oo mudooyinki dambe ay k cabanayeen rakaabka iyo gaadiidka ku goosha wadadaasi.

C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa xogwaran arintaasi ku saabsan siiyay warbaahinta Afka dowlada ku hadasha isagoona sheegay in iminka wadadooyinka iskuxira gobolkiisha Shabeelaha hoose yihiin kuwo Ammaan ah aysanna jirin wax isbaaro ah oo laga sheegikaro.

Inkastoo Hadalka gudoomiyuhu yahay mid uu dhowaan sheegay hadana waxaa bar bar soconaya cabashada gaadiidleyda iyo dadka rakaabka ah ay ka muujinayaan falalka wadogalka ah ee ay kooxo ku labisan dharka ciidanka DFS ku fulinayaan xiliyada ay safarka yihiin.

Mudooyinkii ugu dambeeyayna falalkaasi waxa ay gaareen heer ay ka banaan baxaan shaqooyinkii ay hayyeenna joojiyaan Gaadiidleyda ku safra wadada u dhexeysa Muqdisho ilaa Marka Cadeey xarunta gobolka Shabeelaha hoose .

Ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa iyagu lagu arki karay maalmihii la soo dhaafay wadooyinkaasi si ay u sugaan Amaanka ugana sifeeyaan kooxaha ay dadka ka cabanayaan.

SBC International Marka.