Dawlada FKMG Soomaaliya ayaa qaylo dhaan ay soo saartey waxay ku sheegtey inay hesho xog ku aadanin xoogaga Al-Shabaab ay ku soo dhexdhuuntaan dadweynaha ka banaanbaxaya mirihii ka soo baxay heshiiskii magaalada Kampala ay ku saxiixdeen Shariifeynka madaxweynaha & Gudoomiyaha baarlamka ka kala ah dawlada KMG.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qarnka Ibraahin Isaaq Yaroow ayaa tibaaxay in wasaaradiisu heshay xog  ku saabsan in Al-Shabaab qorsheysay isku soo dhexqariyaan dadweynaha banaanbaxya ka dibna ay fuliyaan wax wasiirku ugu yeeray weeraroa “argagxiso”, isgaoo farta ku fiiqay in ay ciidamadu haystaan amar ku saabsan inay sugaan amaanka ayna ka hortagaan qatar kasta oo imaan karta waxaana uu faray inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan oo aanay fursad siin cadogw sida wasiirku xusey.

 “Anigu marna ma dhahayo bannaanbaxa hala joojiyo laakin waxaa waajib ah in ammaanka wax laga qabto oo laga fogado wax kasta oo waxyeeleyn kara nabada & xasiloonida” ayuu yiri Wasiir kuxigeenka.(Halkan Link-gan ka dhageyso hadalka wasiir kuxigeenka Halkan ka dhageyso hadalka Ibraahim Yarow

Hadalka wasiir kuxigeenka ayaa ku soo aadayaa xili dawlada KMG ah ay doonayso in la joojiyo banaanbaxyada ka aloosan magaalada Muqdisho ee lagu taageerayo Ra’isalwasaare Farmaajo, isla markaana looga soo horjeedo heshiiskii Kampala, iyado shaley xabsiga loo taxaabay daraasiin dad ah oo isku soo baxay.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa 24 saac ka hor daboolka ka qaaday in aanay dawladiisu u dulqaadan doonin wax banaanbax ah, isagoo ku tilmaamay dadka banaanbaxya kuwa qaswadayaal ah oo lacago soo siiyeen dad dano gaar ah leh oo aanu carabaabin Shariif.

Talaabadan ayaa u muuqanaysa mid lagu caburinayo fikirka shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan heshiiska labada Shariif & taageerada Ra’isalwasaaraha oo gudaha & dibada si weyn looga taageeray, iyadoo ay u egtahay in Labada Shariif la yaabeen taageerada baaxad leh ee uu helay Ra’isalwasaare Farmaajo.

Axmed Aar
SBC Muqdisho