Republic of Somalia

The Ministry of Information,

Posts & Telecommunications

Communications Office

War Saxaafadeed 030/2011

Go’aanka Golaha Wasiirrada

(Muqdisho, Axad, 24 April 2011): Shir ay yeesheen Golaha Wasiirradda maanta 24ka April,

2011, uuna shir guddoominayey Ra’iisul-Wasaaraha Mudane Maxamed C/laahi Maxamed

(Farmaajo) ayaa looga dooday xaaladda adag ee uu dalku ku jiro.

Hadaba Golaha Wasiiraddu:

•Markii ay tixgeliyeen xaaladda nabadgelyo xumo ee waddanku ku sugan yahay;

•Markii ay tixgeliyeen guulaha iyo horumarka ay dowladdu ka gaartay dagaalka lagula jiro

kooxda Khawaarijta Al-Shabaab;

•Markii ay garwaaqsadeen horumarka laga sameeyey amniga, siyaasadda, dhaqaalaha,

xaquuqda shaqaalaha iyo ciidamada, iyo baahida loo qabo in la joogteeyo, lana dhameystiro;

•Markii ay tixgeliyeen duruufta adag ee dalku ku jiro: abaaro ba’an, barakac baahsan, dagaal

dhimasho iyo dhaawac maalin walba sababaya, jabka ku dhacay Al-Shabaab & Al-Qaacida

iyo sida ay u kala daadsan yihiin;

•Markii ay tixgeliyeen go’aannada iyo baaqyada ka soo baxaya dowladaha ciidamadoodu

dalka joogaan, qaar ka mid ah beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed;

•Markii ay tixgeliyeen go’aankii ay horay u gaareen Golaha Wasiirraddu ee ahaa in dib loo

dhigo waqtiga doorashooyinka Madaxda Dawladda muddo hal sano ah si aan loo wiiqin

horumarka amni ee ka socda qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah loona dhamaystiro

hawlaha ka dhiman xilliga kala guurka;

•Markii ay arkeen taageerada loo dhamaa ee ay Dawladaha Bariga Afrika madaxdoodu la

garab istaageen go’aankii Xukuumadda ee ku aaddanaa in doorashooyinka Madaxda

Dowladda dib loo dhigo muddo hal sano ah;

Haddaba, Golaha Wasiirradu:

1. Waxey go’aamiyeen in xaaladda waddanka uu ku jiro aanay suurtogal ahayn in doorasho

la qabto waqtigan;

3. Wuxuu sii adkeeyey go’aankiisii ahaa in doorashooyinka dib loo dhigo muddo hal sano

ah illaa iyo Agoosto 2012, si ay ugu suuragasho in la dhamaystiro hawlaha amni iyo

siyaasadeed ee socda;

4. In Xukuumadda ay sii wado wadatashiyada ay la bilowday baarlamaanka ee ku aadan

qorshayaasha xukuumaddu u diyaarineyso dhameystirka howlaha qabyada ah ee uu

Axdiga FKMG ah na farayo, si loo abuuro aragti mideysan ee ku aadan mustaqbalka

Soomaaliya;

5. Ugu danbeyntii Golahu waxuu ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed, iyo beesha

caalamka inay taageero buuxdo nagu siiyaan meelmarinta iyo hirgelinta go’aankan.

Jamhuuriyadda

Soomaaliya

Wasaaradda Warfaafinta,

Boostaha & Isgaarsiinta

Xafiiska Xiriirka Warfaafinta

Address: MIPT Headquarters, near Villa Somalia, Mogadishu, Somalia

Tel: +252-50-941 040

Email: tfgsomalia@gmail.com