Xafladan oo gabagabo u ahayd barashada tafsiirka quraanka kariimka ah oo in mudo ah ka socday degmada Dangoroayo ee gobolka Nugaal  waxaa abaalmarino iskugu jiray kitaabka quraanka kariimka ah iyo cajilado diini ah ku gudoonsiiyey dadkii dhamaystay tafsiirka quraanka jimciyada wanaag farida iyo xumaan reebida ee all amru bil macruuf wa nahyi canil mukar oo ka shaqaysa wacyigalinta bulsha ee diinta islaaamka iyo gargaarida dadka tabaalaysan.

Munaasabadaasi abaallmarinada lagu bixinayey waxaa ka qeybgalay madaxda degmada ,xubno ka socday wasaarada cadaalada iyo culumaudiinka.

Sheikh Maxamed Xamari madaxa jimciyada wanaag farista iyo xumaan reebista ayaa ka warmaay ujeedka kulanka iyo shaqooyinka ay qabato jimciyada xumaan reebista iyo wanaag faristu.

Waxa uu sheegay Sheeq Maxamed in muhiimada ugu wayni ay tahay in la dhiiro galiyo dadkii mudada soo waday barashada tafsiirka quraanka kariimka ah waxaana uu intaas ku daray in shaqooyinka jimciyadu qabto ay ka midtahay ku wacyi galinta bulshada ee diinta islaamka iyo in laga fogaado xumaanta  iyo in ay caawiyaan dadka tabaalaysan.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in aysan jimciyada wanaag farista cidana lacag siin laakiin ay iskood isugu xilqaameen in ay shaqeeyaan.

Ismail Xaaji Cabdi  agaasimaha wacyigalinta wasaarada cadaalada iyo arimaha diinta Puntland ayaa ku amaanay  jimciyada wanaag farista iyo xumaan reebista juhdiga iyo dadaalka ay ku bixyaan sidii ay u dhiira galinlahayeen barashada diinta waxaana uu sheegay in wasaarada caadalada iyo arimaha diintu soo dhawaynayso cidkasta oo ka shaqaynaysa kobcinta diinta islaamka waxaana uu ku amaanay dadka degan degamda dangorayo sida ay ugu heelanyihiin barashada quraanka kariim ah iyo tafsiirkiisa.

Inta badan culumadii madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay barashada quraanka kariimka ah iyo tafsiirkiisa waxaana ay bulshada reer Dangoroyo ku booriyeen in ay siwaadaan wadada wanagsan ee hayaan waxaana ay da,yarta ku booriyeen in ay wakhtigooda uga faaidaysantaa barashada diinta islaamka waxaana uu mahad balaaran uga celiey jimciyada wanaag farista iyo xumaan reebista  abaalmarinadii ay gudoonsiyeen dadka u soo dhabar adaygay in ay dhamaystaan tafsiirka quraaanka kariimka ah oo in mudo ah ka socday degmada dangorayo ee gobolka Nugaal

Gudoomiyaha degmada Dengoroyo  C\qaadir Siciid C\rixmaan oo xaflada soo xiray  ayaa u mahad celiyey dhamaan dadkii dhamaystay barashada tafsiirka quraanka kariimka ah iyo culumauwdiinkii abaalmarintada ku bixiyey.

Waa makrii labaad oo degmada Dangaroyo oo ka tirsan gobolka Nugaal  laga dhameeyo barashada quraanka kariim ah waxaana gudoonsiyey abaalmarino dadkii sida joogta ah uga qayb galay barashada tafsiika kuwaasi oo u badnaa odayaal iyo arda dhigta dugsiyada lagu barto quraanka .

Sawiro

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe